3576 Views

Safaarada Soomaaliya ee Washington oo ka jawaabtay eedeyn uga timid dhalinyaro Soomali ah

Safaarada Soomaaliya ee Washington oo ka jawaabtay eedeyn uga timid dhalinyaro Soomali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 27, 2016: Axmed Ciise Cawad Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Maraykanka, ayaa ka jawaabay eedeeyn dhawaan uga timid dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsi ku yaala gobolka Florida ee dalka Mareykanka kuwaasoo ay dowlada Mareykanka dooneyso in ay Soomaaliya dib ugu celiso, kuwaas oo an la aqbalin.

Dhalinyaradan oo gaaraya ilaa iyo 40 ruux ayaa Mareykanka ku galay si tahriib ah, hase yeeshee wax aqbalaad ah kama aysan helin dowlada Mareykanka, sidaasi daraadeed waxaa loo sheegay in la celinayo iyadoo lala kaashanayo safaarada Soomaaliya ee Washington.

Mid ka mid ah dhalinyarada oo la hadlay VOA ayaa ku eedeeyey safaarada Soomaaliya in ay Dowlada Mareykanka kala shaqeyneyso sidii loo celin lahaa, isaga oo ku cawday wiilkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi in safaarada ay burburineyso rajadoodi ahayd in ay nolol ka helaan Mareykanka oo hadda ku suganyihiin.

Danjire Axmed Cawad oo isna la hadlay VOA laanteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegay in ay haba yaraatee aysan wax baasaboorro ah u diyaarineyn dhalinyaradaan isla markaana eeda loo soo jeediyey aysan waxba ka jirin. Wuxuuse qiray in Dowlada Mareykanka ay kala hadashay dhalinyarada oo uu ku tilmaamay 20 ruux isla markaana ay waayeen sharciga magangalyada Mareykanka.
Safiirka ayaa rajo xumo ka muujiyey xaalada dhalinyaradan oo uu sheegay in hadii Mareykanku ay marba diido in ay ogolaato qof magangalya doon ah, ay markaasi noqoneyso in dalka laga masaafuriyo. Balse wuxuu intaasi ku daray in uu qorsheynayo in dhawaan uu xabsiga magaalada Miami ee gobolka Florida kusoo booqan doono kadib marki ay saraakiisha amniga gudaha Mareykanka ay arrintaasi ka ogolaatay.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa dalka Mareykanka si sharci darro ah kaga soo gala dhinaca xadka dalka Mexico kuwaas oo si dhib badan uga soo talaaba dalal badan oo dhaca dhanka qaarada Koofurta America.

Qaar badan ayaa hela aqoonsiga qaxootinimada halka kuwo kale oo aanan badneyn ay Dowladu diido sababo kala duwan, waxaa markaa taasi ay keentaa in ay galaan xabsi dheer kadibna ay u xuubsiibtaan in dib loogu celiyo dalka waloow ay aad u yartahay dhacdooyinkas oo kale.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment