3396 Views

Shirka Madasha Wada-tashiga oo maalintii afaraad maraya

Shirka Madasha Wada-tashiga oo maalintii afaraad maraya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 1, 2016: Shirka Madasha Wada-tashiga  ayaa maalintii afaraad galay, iyadoo shirkan oo lagu waday in lagu soo gaba gabeeyo gaaban balse uu qasmay, kadib markii dood adag ay hareysay arrinta ku aadan matalaada Muqdisho ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Qaran.

 

Madaxda Sare ayaa wali isku mari la’ qaabka magaalada Muqdisho xubno uga heleyso Aqalka sare iyo habka loo maareynayo, iyadoo Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay ku doodayaan in kuraasta aqalka sare ee Muqdisho lagu saleeyo 4.5 taas oo an maquul ahayn marka laga eego dhaanka Reer Muqdisho.

Waxaa kale ee muran ka taaganyahay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada soo socda iyo tirada maamul walba helayo ama ka imaanayo maamul goboleedyada, waxaana maamul kasta uu doonayaa inuu ka sad-badsato maamulada kale, wana arrin ay wataan shaqsiyaad gaar ah oo xukun doon ah.

Shirka ayaa lagu waday in la soo gabagabeeyo shalay galinkii dambe, laakiin  ma dhicin oo ilaa iyo xalay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa qoorta isugu jiray.

Waa la filayaa si la sheegayo in maanta ugu dambeyn la filayo in shirka la soo gaba gabeeyo, isla markaana laga soo saaro war murtiyeed an weli la ogayn dhe-dhenkiisa.

Dadka Muqdisho ay aaduga dhur sugaya arrinta matalaada Aqalka sare oo horay looga qadiyay, hase ahaatee haatan madaxda isla garteen, in kastoo an la ogayn xubnaha loo qoondeeyay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment