4317 Views

Soomaaliya Beel Gaar Ah Ayeey u Afduuban -Tahay

Soomaaliya Beel Gaar Ah Ayeey u Afduuban -Tahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,1 May 2016: Faysal Cali Waraabe oo ah siyaasi aad loo yaqaan, ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay u afduuban tahay beel gaar ah iyo beesha caalamka. Siyaasigan ayaa sheegay in Soomaaliya aanay xal helin doonin inta siyaasaddeedu dad gaar ah maamulayaan. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Gaas ayuu sheegay in ay hadda hogaaminayaan siyaasadda dalka islamarkaana go’aanka ay gaaraan la fulinayo waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen dadkaasi gaarka ah islamarkaana ay uga tashan lahaayeen aayahooda. “Siyaasadda Soomaaliya beel gaar ah ayeey u afduuban tahay, waxayna la wadaagtaa beesha caalamka, ma jirto cid kale oo Soomaali ah oo wax loo ogolyahay” ayuu yiri siyaasigan. Faysal ayaa talo kusoo jeediyey in Soomaaliya hadii nabad laga rabo in la qeybsado ka talinta aayaha dalka, islamarkaana beelaha la liidayo la siiyo xuquuqdooda.

Dad badan ayaa ku raacsan, Faysal Cali Waraabe, hadalka uu sheegay. Waa jirtaa in siyaasadda Soomaaliya ay u af-duuban-tahay Cumar C/rashiid iyo C/weli Gas oo kaashanayaa Dowlada Itoobiya, taas uu wakil u yahay ninka lagu magacaabo Gabre.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment