3795 Views

Dowlada oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador

Dowlada oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 2 June 2016: Ayadoo lasoo gaba gabeeyey weerarkii ay soo qaadeen maleeshiyada Al-shabaab ayaa waxaa masuuliyiin katirsan dowlada oo gaaray goobta ay faafaahin ka bixiyeen qasaaraha weerarkaasi iyo sida ciidamada amaanka ay uga hortageen dhagarta Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa gudaha Hotelka warbaahinta ugu sheegay in ciidamada amaanku ay yareeyeen qasaaraha maadaama ay mid mid u toogteen dhagar qabayaasha weerarka soo qaaday.
Taliyaha NISA C/raxmaan Tuuryare ayaa sheegay in ciidamada NISA ay toogteen sadexdii dhagar qabe ee weerarka soo qaaday, islamarkaana ay mar walba ciidamadu u diyaarsan yihiin in ay ka hortagaan qorshaha Al-shabaab.

Wasiirka wasaarada Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa isna tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo la dagaalanka cadowga umada Soomaaliyeed oo mar walba ku howlan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Qasaaraha ka dhashay weerarka ayaa ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn maadaama ay jireen dad kale oo dhaawacyo qaba oo ciidanku subaxnimadii hore ee saakay ay kasoo saareen gudaha Hotelka.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment