3513 Views

Jaaliyadda Atlanta oo la dabaaldegtay ardayda qalinjabisay 2016‏ +sawirro

Jaaliyadda Atlanta oo la dabaaldegtay ardayda qalinjabisay 2016‏ +sawirro
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA, USA | QOL | June 2, 2016 – Waxaa sanadkaan Magaaladda Atlanta ay u aheyd sanadkii ugu badnaa oo ay Arday Soomaaliyeed ka qalin jabiyaan Dugsiyadda kala duwan iyo laamaha Jaamacadaha ka jira Magaaladda Atlanta,waxaana Xafladii qalinjabinta ka soo qeyn galay dadkii ugu badnaa abid oo xaflad noocaan ah isugu yimaado,waxa isu hambalyeeye dhamaan Waridiinta ardadaasi iyago aad iyo aad ugu faraxsan in ay gurtaan mirihii ay juhdiga badan u soo galeen,waxana sanadkaan qalin jabiyey ku dhowaad 50 Arday oo Somali ah.

Xafladaas qiimaha leh waxa ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Inj. Cumar Shiikhey ,isagoo warkiisa ku bilaabay hambalyo uu u jeediyey Ardayda dhameysatay waxbarashadii isagoo kala hadlay in aqoonta ay tahay mid aan dhamaanin,waxaana uu ka sheekeeyey ahmiyadda ay nolosha u leedahay waxbarashadda,

Waxaana uu cadeeyey in diinta Islaamka ay hore uga hadashay qiimaha aqoonta oo ay bini’aadamka u leedahay,isagoo tilmaamay in ay maanta cagta saareen wadadii u horseedi laheyd mustaqbal wacan iyo in wax la qeysadaan addunka,waayo aqoonta waa furaha loo adeegsado meel kastaba,sidoo kale Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane INJ. CUMAR SHIIKHEY waxa uu kale amaan kala dul dhacay waalidiinta u soo dhabar adeegay in ay Caruurtooda ay meeshaan soo gaaraan taa oo runti ah mid aan la iloobi Karin.

SHIIKHEEY ayaa waxaa uu Balanqaaday in Guddiga Jaaliayadda aysan waxba kala hari doonin in ay garab istaagaan Waalidiinta u heelan in ay Caruurtooda u horseedaan in ay aqoonta ka gaaraan meel sare taa oo runtii saameyn wanagsan ku yeelan doonta dadka Soomaaliyeed ee Atlanta ku nool isla markaan mustaqbalka dhaw sameyn ku yeelan doonta Qaranka Soomaaliyeed oo maanta u baahan in aqoon loo adeegsado ka samata bixinta dhibaatooyinka ka jira Dalweynihii Soomaalia, waxaana Gudoomiyaha isagoo qiireysan uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey Heestii caanka aheyd ee soo baxday sanadadii afartameeyadii oo aheyd SOMALIYEY TOOSA TOOSA ISKU TIIRSANAADA HADBA KIINII TAAG DARAN TAAGEERA WALIGIIN, waxaana uu gudoomiyaha halkaa ku kasbaday sacab iyo mashxarad aad iyo aad u qiimo badan.

Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Dr. Maxamed Cali Nuur, Dr. Cali Macalin,Mudane Cabdi Isak, Ian Dupe,Robert Hogan, iyo Dr. Garcia iyagoo runtii marka hore aad iyo aad u amaanay Guddiga Jaaliyadda Somali-American sida qiimaha leh ay u soo abaabushay Xafladaan oo runtii xusuus gaar ah ku reebi doonta Ardayda iyo waalidiinta oo shaqo culus soo qabtay, waxayna u rajeeyeen in ay halkaa ka sii wadaan dadaalka inta laga gaaraayo hadafka ay tiigsanayaa.

Xafladan oo ku dhamaatay guul iyo reyn reyn.

.jaaliada-atlanta-xaflad-qalinjebin9

.jaaliada-atlanta-xaflad-qalinjebin10jaaliada-atlanta-xaflad-qalinjebin8 jaaliada-atlanta-xaflad-qalinjebin7 jaaliada-atlanta-xaflad-qalinjebin6

.jaaliada-atlanta-xaflad-qalinjebin2

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment