3186 Views

Jeneraal Subagle Oo Loo Magacaabay Taliyaha Cusub ee AMISOM

Jeneraal Subagle Oo Loo Magacaabay Taliyaha Cusub ee AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 2, 2016: Ururka Midowga Afrika ayaa taliyaha cusub usoo magacaabayJeneraal Cismaan Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti in uu noqdo taliyaha cusub oo AMISOM. Wakaaladaha wararka ayaa baahiyey in Jeneraalka uu hoggaamin doono 22-kun oo ciidan kuwaasi oo ka kala socda dhowr dal oo Afrikaan ah.

Jen. Subagle waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya kana mid ah howlgalka AMISOM, waxaana uu xilka kala wareegi doonaa taliyahii hore oo Kenya u dhashay. Howlgalka Midowga Afrika ayaa la doonayaa inuu qaab ka duwan sida hadda yahay noqdo, iyadoo la ballaarin doono howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab taas oo ka hirgeli-doonto Wadanka oo dhan.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment