3660 Views

Madaxweynaha oo ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee xildhibaannadii ku dhintey weerarkii argagixiso ee Muqdisho ka dhacay

Madaxweynaha oo ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee xildhibaannadii ku dhintey weerarkii argagixiso ee Muqdisho ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 2 June 2016 (Villa Somalia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee labadii xildhibaan ee shaley ku dhintey weerarkii argagixiso ee ka dhacay Hotel Ambassador oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tukashada salaadda jannaasada kadib u tacsiyeeyay qoysaska iyo ehelada marxuumiinta oo iyaguna goobjoog ahaa.

Waxaa tukashada salaaddan jannaasada sidoo kale ka qeybgaley, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda dowlad goboleedyada , mas’uuliyiin iyo dadweyne.

Marxuumiinta ku naf waayey weerarkaasi waxashnimo ee kooxaha argagixisada ay geysteen ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment