3264 Views

MURUGO IYO WALAAC LAGA MUUJIYEY AMAANKA.

MURUGO IYO WALAAC LAGA MUUJIYEY AMAANKA.
____________________________________________________________________________

MURUGO IYO WALAAC LAGA MUUJIYEY AMAANKA.

Muqdisho | QOL | June 2, 2016 – Waxaa muuqata Habacsanaan iyo Aqoondaro Xaga Amaanka ah ee laamaha Amniga iyo Ganacsatada leh Hoteelada ay degenyihiin Shacabka iyo Masuuliyiinta.

Waxaa ah wax aad loola yaabo in aan WELI laga BARAN CASHARO dhibaatooyinkii horey u soo dhacay, waxaana weli muuqata Habacsanaan Xaga AMAANKA ah oo ay masuuliyadeeda leeyihiin Saraakiisha Amaanka iyo Milkiilayaasha Hoteelada.

Waxaad arkaysaa mar awlba in ay dad badan waxyello ka soo gaarto dhibaatooyinka dhaca, markii labaarana ay dabada la galaan Aqoondaro iyo taxadir la’aan ka timaada ilaalada Hoteelada iyo Ciidamada Gurmadka oo sii kordhiyo DHIMASHADA IYO DHAAWACA marka ay galaan dagaalka lagu bad baadinayo Shacabka.

War iyo dhamaan waxaa loo bahan yahay in ay Dowlada isticmaasho Aqoon iyo Xeelado lagu bad baadiyo Shacabka, lana hago Malkiilayaasha Hoteelada qaabka la rabo in loo SUGO Amaanka Hoteelada ay leeyihiin.

Waxaa is waydiin Mudan Shaqasiyaadka Qaadi doono Masuuliyada Dhibkii ka dhacay Hoteel Ambaasadoor, waayo wax badan ayaa la daboolay dhibaatooyinkii horey u soo dhacay, yaase wax laga waydiin doonaa Dhibkan.

Dhibkan Dhacay waxaa leh masuuliyadiisa 3-da Qof ee masuulka ka ah Amaanka Muqdisho oo kala ah Taliyaha Amniga Nisa G. Banadir, Taliyaha Boliska G. Banadir iyo Shaqsiga u qaabilsan Amaanka Gobolka Banaadir, waxayna dabada la geli doontaa Taliya Nisa, Taliyaha Boliska, Wasiirka Amniga iyo Gudoomiyaha G. Banadir.

Shacabka waxay sugayaan Go’aanka ka soo bixi doono Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo Qanciyo Shacabkan Dhiban ee noqday “masagadii u dhaxaysay, Kasha iyo Moyga”.

Hadaan nahay Bahda qaranimo waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan Eheladii iyo Asxaabtii ay ka geeriyodeen dadkii ku dhintay Shilkaas, inta dhawaca ahna waxaan leenahay Alllaha Caafiyo.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment