5814 Views

Waddooyinka Muqdisho oo Maanta Xiran

Waddooyinka Muqdisho oo Maanta Xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 3, 2016: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay guud ahaan xirtay waddooyinka magaalada Muqdisho. Jidadka waaweyn ee magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo ammaanka sugaya islamarkaana shacabka iyo gaadiidka u diidaya meelaha qaar inay isticmaalaan.

Sababta waddooyinka Muqdisho loo xiray ayaa ah in Madweynaha Turkiga uu ku soo wajahan yahay Somaaliya. Inta badan xarumihii ganacsiga magaalada Muqdisho waa ay xiran yihiin maadaama madaxweynata Turkiga imaanayo sidoo kaleana Jimco ay tahay. Waxaa la arkayaa shacab badan oo ku lugeynaya xaafadaha magaalada Muqdisho si ay u gaaraan meelaha ay rabaan, taas oo waqti badan uga lumayo.

Booqashada madaxweynaha Turkiga uu maanta ku imaanayo magaalada Muqdisho oo ah tii sadexaad ayaa waxaa ku wehliya xaaskiisa, wasiiro iyo ganacsato. Waxa ay saacadaha soo aadan kasoo duuli doonaan magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya oo ay xalay sugnaayeen.

Erdogan ayaa shalay magaalada Nairobi kula kulmay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka siyaasada iyo kan ganacsiga ee ka dhaxeeya labada dal. Halka ay labada dowladood waa Turkiga iyo Kenya ay kala saxiixdeen sadex heshiis oo gancsi kala duwan ah.

Madaxweyne Erdogan iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in ay si wadajir ah xariga uga jaraan dhismaha cusub ee safaarada Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn ee Turkigu ku yeesho meel ka baxsan dalkiisa.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho saakay dhooban ciidamada amaanka Soomaaliya iyo kuwa AMİSOM. Wadooyina magaalada inta badan way xiranyihii, gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama ee isku xirto garoonka iyo madaxtooyada.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment