3342 Views

Madaafiic xalay lagu garaacay Xerada Xalane ee Taliska AMISOM

Madaafiic xalay lagu garaacay Xerada Xalane ee Taliska AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 5, 2016: Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya madaafiic xalay fiidkii ku dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir, iyadoo qaar ka mid ah madaafiicda ay gudaha ugu dhaceen Xerada Xalane.

Madaafiicda ayaa qal qal geliyay dadka deegaanka Wadajir, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah.

Dada deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen daryanka madaafiicda, isla markaana illaa saddex hoobiye ay ku soo dhaceen gudaha Xalane.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah kooxihii madaafiicda ku soo tuuray degmada Wadajir, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee SONNA.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane ayaa beeniyay in madaafiicda ay ku dhaceen Xalane, waxaa uu xusay in madaafiicda ay ku dhaceen meel kaawo ah oo aan wax khasaare ah geysan haba yaraatee.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in aanay jirin wax madaafiic ah oo ku soo dhacay Xalane, balse madaafiicda ay ku dhaceen meel ku dhow xerada oo wax yar u jirtay.

Al-Shabaab ayaa qoraalo baraha Internet-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in illaa shan madfac ku weerartay Xarunta Xalane.

Xarunta Xalane oo ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo, kuna taal xeyndaabka garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu Talis u yahay howl galka AMISOM, sidoo kale waxaa ku yaala qaar ka mid ah Safaaradaha reer galbeedka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey, halkaas oo ay madaxda qaarkeed ku dhuumato.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment