4581 Views

Madaxweynaha oo maanta ku sii jeeda Kenya

Madaxweynaha oo maanta ku sii jeeda Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 5, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Safarka Madaxweynaha ee Nairobi ayaa ujeedkiisa yahay sidii Madaxda Kenya uu ugala hadli lahaa go’aanka dowladda Kenya ku dooneyso inay dhamaadka sanadkan ku xirto xeryaha Qaxootiga ee Dhabaab.

Madaxweynaha, ayaa dhowaan sheegay in aanay sax aheyn in qaxootiga dib loo soo celiyo, isla markaana ay dowladda Kenya kala hadlayaan arrinta qaxootiga ku saabsan.

Lama oga waxa uu ka bedeli doono safarka Madaxweynaha ee Nairobi go’aanka dowladda Kenya xiritaanka xeryaha qaxootiga oo beryahaan la hadal hayay.

Dowladda Soomaaliya iyo Hey’addaha qaxootiga iyo kuwa xuquuql insaanka ayaa walaac ka muujiysy in xilligan dib loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xeryaha Dhadhaab.

Kenya ayaa ku andacootay in falalka amni dari ee ka dhaca gudaha dalkeeda laga soo abaabulo xeryaha qaxootiga, taasoo an wax jira ahayn.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment