4929 Views

Mid ka mid ah howl-wadeennada Baarlamaanka Somalia oo Muqdisho lagu dilay

Mid ka mid ah howl-wadeennada Baarlamaanka Somalia oo Muqdisho lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 5, 2016: Degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir, ayaa xalay lagu dilay nin oday ahaa, oo ka mid ahaa bulshada ku dhaqan degankaas

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamed Sabriye, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Ceeldheer, wax yar uun ka dib, markii uu Salaaddii Ceshaha ahayd ku soo tukaday Masaajidka Al Khaliil.

Rag bistoolado ku hubeysnaa ayaa dhoowr xabadood kaga dhuftay qaarka kore ee jirkiisa iyagoo ka baxaday xaafadda ay dilka ka geysteen.

Marxuun Salaad Maxamed Sabriye oo xubin ka ahaa howlwadeenada xarunta baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa dilkiisa ka tacsiyadeeyay Xog-hayaha guud ee baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

“Ugu horayn aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo magaca xildhibaanada baarlamaanka, ayaan doonayaa inaan tacsi u diro ehelada, qoyska iyo carruurta uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuun Salaad Maxamed Sabriye oo ka tirsanaa hoowlwadeenada Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho. Waxaan Alle uga baryeynaa in naxariistiisa jano uu siiyo, gacan ka gardaranaa dishay.” Ayuu yiri C/kariin Buux oo qoraal soo dhigay baraha Bulshada.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment