3360 Views

Askar AMISOM ka tirsan oo la qabtay Iyaga oo wax xadaya

Askar AMISOM ka tirsan oo la qabtay Iyaga oo wax xadaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 6, 2016: Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxay ku qabteen 5 ka mid ah askarta AMISOM oo xadayey sahay AMISOM lahayd walibana lacag ku bedalanayey.

Ciidamada ayaa hareereyay garaash ay ciidanka AMISOM ku jireen oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in markii la qabanayey ay gacanta kula jireen dhaca.

Waxay iibsanayeen raashiin, shidaal, jawaannada difaaca, iyo agab kale oo muhiim ah. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wasiirka amniga gudaha, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyo saraakiil AMISOM ah ayaa tagay halka lagu qabtay 5-ta askari. Waxaa la sheegay in maxkamad lasoo taagi doono maadaama lagu helay fal aad u halis ah, balse waxan la ogeeyn in baritaan kale uu jiri doono iyo in kale, si loo ogaado in dadka kale ay jiraan oo arrintaan gebi ahaanba ka dambeeya arinta an kor ku soo xusnay.

a4a3

a3

a5

a6 (2)

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment