3165 Views

Madaxda DF oo la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka

Madaxda DF oo la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 6, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmey Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka Soomaaliyeed ee matalaadda Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa guddigan u sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa in haweenka ay goleyaasha qaranka ka helaan qoondada ku xusan dastuurka, ayna la yimaadaan dadaal arinkaasi lagu dhaqan-gelinayo. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha guddigaasi ugu baaqey inay sameeyaan wacyigelin, culeys-saar iyo qaab hufan oo matalaadda haweenka la xiriirta, isagoo dhanka kale u xaqiijiyey in madaxda dowladda ay garab taagan yihiin in haweenka qoondadooda ay helaan. Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa isna guddigaasi ka codsadey inay degdeg u hawlgalaan, kana shaqeeyaan nidaamka ugu habboon ee loo dhaqan-gelin karo matalaadda haweenka sida ku cad dasuurka KMG ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale kulankaasi hadal ka jeedisay Wasiirka Haweenka, Marwo Sahro Maxamed Cali Samantar. Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka Soomaaliyeed ee matalaadda Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa bishii May, 29-keeda lagu aasaasey Xeer Madaxweyne oo nambarkiisu yahay 40, dhaqan-galna noqday isla maalintaasi. —————-DHAMMAAD—————–

Daud Aweis Afhayeenka Madaxtooyada

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment