5925 Views

Mahad Cumar Cabdi oo isku soo sharaxay Kursiga Xildhibaanimada Baarlamaanka

Mahad Cumar Cabdi oo isku soo sharaxay Kursiga Xildhibaanimada Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 6, 2016: Kulan iyo munaasab uu isku sharaxayay Aqoonyahan Mahad Cumar Cabdi Dhicisow oo isku soo sharaxay kursiga Baarlamaanka ee Beesha Abakar Murusade ayaa shalay lagu qabtay Hoteel Ramaada ee Magaalada Muqdisho.

Qado Sharaftaan oo ay ka soo qeybgaleen Nabadoonka Guud ee Beesha Abakar ee Murusade, Duubabka Dhaqanka,Siyaasiyiin,Culumaau-diin iyo Dhallinyarada Beesha, ayaa lagu taageerayay Musharax Xildhibaan Mahad Cumar Cabdi.

Waxaa ka hadlay Munaasabada Nabad-doonka Guud ee Beesha Abakar Cali Sheekh Maxamed (Cali Shiino, wuxuuna soo dhaweeyay Musharixiinta Abakar, wuxuuna caddeeyay in si cadaalad ah loo kala saari doono musharixiinta Beesha.

Kulanka waxaa kaloo ka hadlay Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Maamulka Abakar oo ay horkacayeen Aadan Sheekh Nuur (Aadan Qooje iyo Mire Nuur Cali Buubaal, iyagoo caddeeyay iney soo dhaweynayaan Aqoonyahanka Abakar iney soo doontaan Kuraasta ay Beeshu leedahay.

Ugu dambaysti, waxaa Munaasabada Qadadaasi hadal Qiimo leh oo isugu jiray codsi iyo Qarshahiisa siyaasadeed kusoo Bandhigay Aqoonyahan Musharax Mahad Cumar Cabdi Dhicisow oo caddeeyay inuu wado Isbadal uu doonaayo inuu kusoo celiyo sumcaddii iyo karaamadii luntay ee Beesha Abakar.

Musharaxa Mahad Cumar Cabdi waa Aqoonyahan Ganacsade ah oo Madax ka Shirkado dhowr ah oo ka shaqeysta wadanka Koonfurta Afrika, wuxuu haystaa shahaadooyin sare oo ah dhinaca Ganacsiga iyo Maareynta, wuuna ku amaanahay.

mahad_9mahad_5mahad_10mahad_3-1

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment