3780 Views

Ciidankii AMISOM ee lagu qabtay xatooyada oo dalalkooda loo celinayo

Ciidankii AMISOM ee lagu qabtay xatooyada oo dalalkooda loo celinayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 7, 2016: Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in Shan ka mid ah askartooda kana soo jeedda Uganda loo qaadi doono dalalkooda kuwaasi oo dhawaan lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen Booliiska Soomaaliya xilli ay xattooyo ku jireen.

Afhayeenka ciidanka AMISOM Gaashaanle Dhexe Joe Kibet oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka war hayaan kiiskan xatooyada ah, islamarkaana askartan lagu maxkamadeyn doono dalkooda. Waxa uu sheegay inuu jiray heshiis u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Africa kaasi oo ah in Soomaaliya aan lagu maxkamadeyn askariga ka tirsan AMISOM ee qaladka gala. “Dalalkooda ayaa loo qaadi doonaan Shantooda halkaasi ayaana maxkamad lagu soo taagi doonaa, aad ayaan uga xunnahay in falkan uu dhaco, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed nagama fileyn inaan wax dhacno” ayuu yiri taliyaha. Maalin kahor ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa soo qabtay 5 nin oo ka tirsan AMISOM kuwaasi oo shidaal, hub iyo raashiin si sharci darro ah usii iibinayey, in kastoo an la sheegin cidda ka iibsan-jirtay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment