7506 Views

DAAWO: Caaqil Cali Shiino oo loo doortay Nabadoonka Beesha Abakar

DAAWO: Caaqil Cali Shiino oo loo doortay Nabadoonka Beesha Abakar
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 05 06 2016 | Caaqil Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Shiino) waxaa uu ku dhashay degmada Ceelbuur sanadkii 1940. Waxaa uuna ka dhashay reer Ahlu-diin ah, aadna looga xurmeeyo Gobollada dhexe. Waxaa uu Dugsiga Hoose iyo Qur’aanka ku bartay isla Magaalada Ceelbuur. Waxaa uu waxbarashada sare ku qaatay Magaalada Muqdisho oo uu noloshiisa inta ugu badan ku noolaa.

Cali waxaa uu ku biiray Ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed, waxaa uuna ka gaaray tababare Dugsi. Intuu uu ciidan ka ku jiryana waxaa uu ka soo shaqeeyay dhamaan goabalada Dalka, taas oo u suurta gelisay in uu aad u bartay dhaqanka iyo Xirfadaha kala duwan ee Soomalida.

Cali waa nin firfircoon oo laga jeclaa Ciidanka Asluubta maadaama uu dhiiri gelin xoogan siin jiray askariga uu tababarayo. Cali waxaa kaloo lagu xasuustaa in uu dhanka Ciyaaraha fudud uu ku dhiiri gelin jiray askarta. Cali isaga naf ahaan tiisa waxaa uu ku guuleystay dhowr jeer ciyaara fudud isagaoo carari jiray 200, 400, iyo 800 Mitir. kooxda ciyaaraha ciidanka dhow jeer ayuu koobab u qaaday isagoo ku helay abaal marino..

Cali waa gudoomiye ku xigeenka Odayaasha Soomaaliyeed ee London. Cali Shiino oo ah nin Ahlu-diin ah, Caaqil caadil ah, Dad yaqaana ah isla markaana ah Xeer yaqaan ku xeel dheer xeerarka  Soomaalida, waxaa Beesha Abakar (Murrasade) si aqlabiyad ah isugu raaceen in uu Beesha  matalo.

Mustafa Awale

HALKAN KA DAAWO SIDII AY XAFLADA CALEEMASAARKU U DHACDAY

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment