5343 Views

Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Kenya oo maanta kulmaya

Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Kenya oo maanta kulmaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 7, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Talaado ah ku kulmaya magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlaya arrinta Qaxootiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay booqasho ku tagay xerada Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin nus milyan ruux ayaa sheegay in qaxootiga aan si qasab lagu celin doonin.

Labada Madaxweyne ayaa isla arki-doona qaabka ugu haboon ee qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab dib loogu celin karo dalkooda, iyadoo aan qasab aheyn.

Daa’uud Aweys af-hayeenka Madaxtooyada, ayaa sheegay in kulanka labada Madaxweyne diirada lagu saari doono xiriirka labada dal, ammaanka iyo ganacsiga.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay inay xireyso dhamaadka sanadkan xerada qaxootiga Dhadhaab, isla markaana dib u celineyso qaxootiga ayadoo qasbaysa hadii loo baahdo.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment