2934 Views

War murtiyeed laga soo saarayo wada hadalada u socda Somalia iyo Kenya

War murtiyeed laga soo saarayo wada hadalada u socda Somalia iyo Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 8, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta mar kale ku kulmaya xarunta Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, iyadoo kulankooda maanta laga soo saari doono war murtiyeed ku saabsan wada hadaladooda iyo wixii ay isla gaareen wada hadallada ka dib.

Labada Madaxweyne ayaa shalay isla gartay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, xoojinta dhinaca iskaashiga, Ammaanka iyo arrimaha qaxootiga.

Wada hadalladi shalay, ayaa la sheegay inay jireen waxyaabo ay isku fahmi waayeen oo la xiriiray arrinta qaxootiga oo dowladda Kenya ku doodeyso inay gebi ahaanba xireyso, halka dowladda Soomaaliya ay qabto tallaabo taas ka duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta in la fududeeyo isu socodka labada dal, gaar ahaan dhinaca duulimaadyada, iyadoo la isla gartay in diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya hal jeer lagu baaro Wajer, oo aan Nairobi lagu baarin mar kale, waxaana la filayaa in mustaqbalka ay bilowdaan duulimaadyo toos ah.

War murtiyeedka ay so saari doonaa Labada Madaxweyne ayay wadajir u saxiixi doonaan, waxaana laga dhursugayaa sida ay iskula fahmaan arrimaha qaxootiga oo Kenya ay ku adkeysaneyso in dhamaadka sanadkan inay xireyso xeryaha qaxootiga ee ku yaallo dhulkeeda.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment