3369 Views

Xildhibaanada Baarlamaanka oo cod u qaadaya wax ka bedelka qodobada Dastuurka qaarkood

Xildhibaanada Baarlamaanka oo cod u qaadaya wax ka bedelka qodobada Dastuurka qaarkood
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 8, 2016: Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ku kulmaya xarunta Golaha shacabka, iyagoo kaga doodaya ajandayaal dhowr ah oo hor-yaala, kuwaasoo ah sharciyo horay loo soo gudbiyay.

Mudanayaasha, ayaa maanta cod u qaadaya mashruuca qodobada wax ka bedelka Dastuurka, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay laga lahaa wada tashiyo dadweynaha lagala yeelanayay dib u eegista dastuurka iyo wax ka bedelka qodobada qaar.

Illaa 10 cutub oo ka mid ah dastuurka ayaa la sheegay in qodobada qaar lagu sameeyay wax ka bedel, waxaana marka la codeeyo lagu wadaa in mustaqbalka soo socda loo qaado afti caam ah.

Waxaa kale oo Xildhibaanada ayaa ka doodayan qodobo kale oo muhiim ah, waxaana lagu wadaa in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan inay meel mariyaan sharciyo dhowr ah oo hor-yaala, waqtigana gaaban yahay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa dhowaan cadeeyay inay lagama maarmaan tahay in Xildhibaanada ay meel mariyaan sharciyada hor-yaala inta lagu guda jiro kalfadhiga 8aad.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Baarlamaanka uu ansixiyay sharciga axsaabta siyaasada oo ahaa mid muddo la sugayay, waxaana nidaamka xisbiyada badan laga doonayaa inuu bedelo qaabka ku dhisan qabyaaladda, in kastoo taasi ay adagtahay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment