4737 Views

Yoweri Museveni oo xaaskiisa u magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Isboortiga

Yoweri Museveni oo xaaskiisa u magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Isboortiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 8, 2016: Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 80 Wasiir, iyadoo isku shaandheyn kooban ku sameeyay qaar ka mid ah Wasiiradii hore.

Museveni ayaa Wasiirka Waxbarashada iyo Isboortiga u magacaabay xaaskiisa Janet Museveni, waxaana arrintan ay noqotay mid hadal heyn badan dhalisay.

Janet ayaa Wasaaradda loo dhiibay ee Waxbarashada iyo Isboortiga ah kuwa ugu muhiimsan, waxaana loo arkaa mid ka mid ah wasaaradaha ugu miisaaniyada badan.

Madaxweyne Museveni ayaa dib u soo celiyay Wasiirkiisa arrimaha Dibadda Sam Kutesa, halka dhowr Wasiirna uu xilka ka qaaday.

Hey’addaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Museveni kali talisnimo, waxaana horay reer galbeedka ay shaki geliyeen doorashadii dhacday bilo ka hor.

Yoweri Museveni ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu xukunka dheer Afrika, waxaa uu  la wareegay talada dalka sanadkii 1986.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment