3462 Views

Madaxweynaha: ‘’Jabka xooggan ee loo geystey Al Shabaab waa guul u soo hoyatey shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel’’

Madaxweynaha: ‘’Jabka xooggan ee loo geystey Al Shabaab waa guul u soo hoyatey shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel’’
____________________________________________________________________________

Muqdisho | June 9, 2016 (Villa Somalia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, oo maanta si geesinimo leh isaga caabbiyey maliishiyada argagxisada Al Shabaab oo weerar ku soo qaadey fariisimada ciidanka ee degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ciidammada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya ayaa weerarkaasi kooxda nabad-diidka ee Al Shabaab kaga dilay in ka badan laba boqol oo maliishiyaad ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa guusha ballaaran ee ay soo hoyeen ciidankeena iyo kuwa Ethiopia oo cashar lama ilaabaan ah u dhigey cadowga. Jabkani xooggan ee Al Shabaab loo geystey waxaa uu muujinayaa in argagixisada la iska dhicin karo, loona geysan karo dhirbaaxo ka kulul kan maanta loo geystey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in jabka loo geystey cadowga uu niyadda u dhisayo shacabka nabadda jecel, isagoo intaa ku darey in hadafka dowladda Soomaaliya uu yahay in gebi ahaanba dalka iyo gobolka Geeska Afrika laga ciribtiro argagixisada Al Shabaab iyo kooxaha kale ee ku fikirka ah.

“Dagaalka lagula jiro Al Shabaab wuu sii socon doonaa. Goobo badan ayaa lagu jebiyay, meelaha kooban ee ay ku harsan yihiinna goor dhow ayaa laga sifeyn doonaa. Waxan sidoo kale u hambalyeynaya shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab taagan dadaalka ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee inaga caawinaya dagaalka lagula jiro argagixisada’’.

Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa weerarka ay saaka ku fashilmeen waxaa sidoo kale looga qabsadey hub tiro badan iyo saanad kale.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment