3576 Views

Kaalmo la gaarsiiyay carruurta agoonta ah ee Muqdisho

Kaalmo la gaarsiiyay carruurta agoonta ah ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 10, 2016: Hay’adda Sama falka ee Hormuud Foundation, ayaa deeq lacageed oo cadadkeedu gaaraya boqol iyo shan kun oo lacagta Mareykanka ah ($105,000) u qaybisay 21 xarumood oo lagu hayo carruurta agoonta, kuna yaaliin magaalda Moqdisho 

Xarumaha deeqdan lacageed loogu yaboohay, ayaa ku kala yaala Magaalada Muqdisho iyo deegaanada hoos-tagga, waxaana xarumahaasi ka mid ah Daryeel Lafoole, Imaam Shaafici, Umu Caa’isha, Umul Quraa, Orphan Care, Xanaano Orphan, Halgan Orphan Care Center, Xarunta Agoonta Muqdisho iyo qaar kaloo badan oo agoon ah.

Kulanka maanta lagu qabtay Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho, ayaa maamulada xarumahan loogu qaybiyay lacagaha, si ay u gaarsiiyan carruurta agoonta, ee ku xareysan goobaha ay masuulka ka yihiin. Xarun kastana waxaa loogu talla-galay oo la siiyay shan kun oo dollar.

Hormuud Foundation, ayaa deeqdan ugu talla-gashay in carruurta agoonta ay kula ciidaan maalmaha ciidda, carruurta kale ee la nool waalidiintooda, si ay u dareeman farxadda ciidul fitriga.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation, Muuse Axmed Nuur oo ka hadlay madasha xafladda, ayaa deeqdan ku sheegay mid qayb ka ah deeqaha ay Hormuud Foundation ugu talla-gashay in ay bixiso maalmaha lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

“Tani waxay qayb ka tahay deeqaha ay bixinayso Hormuud Foundation maalmaha bishan Ramadanka ah. Maalmihii la soo dhaafay deeqihii aan dadka u qaybineynay ayuun bay qayb ka tahay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa yiri “Hormuud Foundation waxaa ka go’an in ay sii wado kaalmada ay gaarsiinayso dadka kuwooda ugu nugul, inta ka harsan maalmaha bishan naxariista iyo fadliga badan.”

Hormuud1Hormuud8Hormuud3 (1)Hormuud4

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment