4833 Views

AMISOM oo aqbashay inay ka guurto garoonka Muqdisho Stadium

AMISOM oo aqbashay inay ka guurto garoonka Muqdisho Stadium
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 11, 2016: Afhayeenka ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya Joe Kibet ayaa sheegay in ciidamada AMISOM dhawaan ay ka baxayaan garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium.

Joe Kibet oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay;“Waxaan kuu sheegayaa dhawaan in ciidamada AMSIOM ay ka baxayaan Stadium Muqdisho, laakiin ma ku dhihi karo waqtigaas saxda ah ayay ka guurayaan.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM.

Afhayeenka ayaa sheegay in ogaantiisa uu ka warhaayo guutada ciidamada ah ee hada dagan halkaas loo diyaarinayo inay ka baxaan oo meel kale la geeyo.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha ayaa dhawaan tagay garoonkaas waxaana ay sheegeen in Stadium Muqdisho uu muhiim u yahay cayaartoyda Soomaaliya dowladduna ay ku dadaalayso in dib u dhis lagu sameeyo.

Garoonka ayaa ah mid balaaran wuxuuna ka koobanyahay qaybo, sida qaybta Kubada Cagta, Kolayga, Dabaasha iyo qaybo kale oo muhiim ah, waxaana arintaan ay ku soo aadaysaa iyadoo haatan tartamada Kubada Cagta lagu qabto garoonka Banaadir oo kaliya.

Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho ayaa waxa hore ugu dhisay dowladii hore ee Maxamed Siyaad barre dowlada Shiinaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment