4695 Views

Faarax C/qaadir oo dacwad ka gudbiyay Hey’ad magaciisa ku kireysay Markab

Faarax C/qaadir oo dacwad ka gudbiyay Hey’ad magaciisa ku kireysay Markab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 11, 2016: Faarax Sheekh Cabdqaadir oo ah Xildhibaan ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa dacwad u gudbiyay xeer ilaalinta qaranka kadib markii markab kaalmo sida lagu soo raray magaciisa oo been abuur ah.

Xog ay heshay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa lagu ogaaday in uu jiro qorshe siyaasadaysan oo aan la ogayn sababta ka dambaysa, kaasoo laga been abuuray Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

SONNA ayaa daabacday in ay heshay nuqul ka mid ah dacwad uu Xildhibaanku u gudbiyay Xeer-ilaalinta Qaranka, taasoo uu kaga cabanayo in Magaciisa si been abuur ah loogu isticmaalay in lagu kireeyo markab shixnad lagu sheegay gargaar biniaadannimo oo ku socotay magaalada Xudayda ee wadanka Yemen, kaasoo lagu sheegay in ay gaarsiinaysay Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo la sheegay in ay ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya,

Warka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaanka lagu tilmaamay inuu ka mid yahay aas-aasayaasha Hey’adda Markabka kireysatay.

Faarax C/qaadir, waxa uu ku cadeeyay dacwadiisa in aanay jirin, waxna aanu ka ogayn Hay’addaas iyo waxa ay waday toona, waxaana uu ku xusay Nuqulka Dacwadiisa in ujeedada laga leeyahay adeegsiga magaciisa iyo isticmaalka Warqadda aqoonsigiisa in ay tahay faldanbiyeed lagu doonayo in lagu magic dilo, laguna dhaawaco sumcadiisa, wuxuuna ku tilmaamay xadgudub been abuur ah.

Sida wararka nagu soo gaaraya  Markabka la sheegay in uu sido shixnadda been abuurka ah oo lagu magacaabo MV-LIBERTY in hadda lagu hayo waddanka Jabuuti ayna ku socoto baaris ay iska kaashanayaan dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya taas oo ladoonayo in lagu ogaado ujeedada dhabta ah iyo ciddii ka danbaysay dhacdadaan xanbaarsan shirqoolka.

Xogta ayaa intaasi ku dartay in markabkaan oo waday shixnad lagu sheegay gargaar Bini aadannimo laga soo celiyay Magaalada Xudayda oo ahayd halkii uu ku socday,ka dibna uu kusoo xirtay Dekadda Magaalada Jabuuti halkaas oo lagu qabtay laguna hayo wali.

Faarax C/qaadir ayaa horay uga soo shaqeeyay howlaha sama falka, isagoo madax ka soo noqday Hey’ad lagu magacaabo Muslim Afrika.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment