3768 Views

Guddi loo xilsaaray sugidda amniga Muqdisho

Guddi loo xilsaaray sugidda amniga Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 12, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan guddoomiyaha gobolka ayaa magacaabay guddi heer degmo ah oo suga amniga magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka amni xumida ee joogtada ah.

Degmo kasta ayaa leh guddigan waxaana ay ka shaqeyn doonaan ammaanka degmada ay ka howlgalayaan, waxaana ay la dagaallami doonaan wax walbo oo ka hor imaanaya amniga magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guddigan lagula xisaabtami doono ammaanka magaalada Muqdisho.

“Guddigan waxay sugi doonaan amniga magaalada, waxay dhex gali doonaan bulshada, waxay ka warhayn doonaan degmooyinka, iyaga ayaana mas’uul ka noqon doona degmada ay joogaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada dadaallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Muqdisho, xilli magaalada amnigeeda yahay mid kasii daraya maalinba maalinta ka dambeeysa.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment