5454 Views

Dhagarta Xabashida iyo Dhug la’aanta Soomaalida.

Dhagarta  Xabashida iyo Dhug la’aanta  Soomaalida.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13, 2016 – Maanta  Soomaalidu  waa  aar  libaax  inta  halgaadi ku dhacdey, dhibkii iyo dhaawacii gaadhay la dirgan waayey, ee xanuunno caabuqii dhaawacu dhaliyey dartood la miyirdoorsoomay, ka dibna dhammaan cayayaan iyo  bahal oo dhami ku degeen, mid duula, mid gurguurta iyo mid  farandulleeyaba.

Dhawaanahan waxaa soo if baxayey, in ciidanka LIYUU BOOLIIS oo loo carbiyey dhibaateynta iyo dibindaabyada bulshada Soomaaliyeed, oo tacaddiyo iyo tagrifal ka dhan ah dadka, deegaanka Soomaali Galbeed, weliba darafyada xadbeenaadka aynu Xabashida la leenahay.

Dadkeenna inta indho ku garaadlaha ah, waxaa la illowsiiyey magacyada  deegaanka Soomaaliyeed ee  SOOMAALI GALBEED, waxaana lagu indho sarcaadiyey, xayeysiis been oo loo raaciyey warbaahinta Xabashida u adeegta ee Jigjiga iyo kooxaha  dabaqoodhiga ah, oo laba beerood iyo kanaal biyo xidheen ah, oo loogu talogalay, in lagu cunaqabateeyo xilliyada  abaaraha socodka biyaha macaan ee webiyada dalkeenna dhexmara kana soo farcama deegaammada SOOMAALI GALBEED.

Dagaalka Xabashidu maaha mid dhinac keliya ah, waa mid dhinacyo badan, mid maskaxeed, mid  cududeed iyo mid  caalami, saddexdaasba waa ku soo qaaddey dalkeenna iyo dadkeenna, iyadoo weliba adeegsanaysa qaybo ka mid ah waxmagaratada iyo iimaan laa wayaal u adeega danaha gumeysiga madoow ee Xabashida.

Dagaalka Maskaxda;

 

Wuxuu soo billowdey markii ay aas aastay kooxo hubeysan, oo magac qabiil ku dagaallamaya, oo Jabhadaha kana soo horjeeday  dowladdii RAJIIMka  Maxamad Siyaad Marre, taasoo keentay, iney markii dambe ku guuleystaan inay dagaal hubeysan Jabhadihii Xabashidu samaysey, ee gacanta weyn ku lahayd ku qabsadaan guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

Waxay Xabashidu duullaanka sii laba jibbaartey muddo aan dhaweyn,  waxaana ay awoodda saartey ka la dilka iyo ka la fogeynta bulshada Soomaaliyeed, ka dib burburkii ku dhacay haykalkii dowladnimo, ee hortaagnaa. Waxaa laga yaabaa qaarkiin inaad u aragtaan inaan  is ka qiiro  hadlayo, balse, waan ku taabsiinayaa sida loo ka la dilay bulshada ilaa haddana loo wado in la kala dilo.

Billowgii duullaanka Maskaxda

 

Ka dib  burburkii dowladda weli waxaa jirtey Jabhad iyo dad badan oo aad uga soo horjeeday Xabashiga kuna dhaqan deegaanka Soomaali Galbeed una  dagaallamayey inay  Soomaalidu noqoto sida dowladda Ereteriya dal madax bannaan. Ma aysan ahayn qasab, iney Soomaalida ku darsadaan, balse,  waxay u halgamayeen inay u madax bannaanaadaan taladooda iyo tigaadooda, dowlad leh Calan oo adduunka laga aqoonsan yahayna noqdaan.

Markii  Malezinaawihii dhintey arkay Soomaalidu, inay ku dhiirrantahay  rabitaankooda ah, inay Itoobiya ka go’aan, wuxuu billaabay, inuu is ka hor keeno Soomaalida, wuxuuna  soo dhaweystay kooxo, wuxuuna is ka fogeeyey oo cadaadis iyo cabudhis ku billaabay kuwii diidanaa ee aragtida Soomaalinimada qabay.

Arrintaas wuu ku guuleystay, haddaba kooxihii ka soo cararay ee nafta ka soo raadiyey deegaankii umadda Soomaaliyeed oo iyagana colaado beelaysi ah iyo dagaallo ka dhex oogan yihiin, ayuu intuu ka daba yimid wuxuu u tusay inuu yahay Soomaaliga  dalkiisii joogaa inuu yahay nin dambiile ah oo ka soo baxsaday dowladda Itoobiya, wuxuuna kaga beddeshay dhaqaale iyo hub ay markaas u arkayeen inay xal u tahay, taasoo keentay in loo dhiibo nin walaal ah oo Soomaaliyeed cadowgii Xabashida.

Ninkii la dhiibey waxaa la barey walaalka Soomaaliyeed ee uu doonayo garabkana ka sugayo midka uu yahay! Nin cadow kuu dhiibay ee dheef ku dhaafsaday maaha walaalkaa waa hubaal, haddaba si uu isagana uga dhaadhiciyo inuu gefay oo dalkiisa waa Itoobiya gef ka galay, wuxuu isugu daray, cafis uu xabsiga ka sii daayey, magdhow intuu xidhnaa, jaggo hadduu rabay iyo hanti.

Ninkii rag ahi waa ogyahay xeesha iyo dhagarta xabashiyeed ninkii ciishoonaase wuxuu qaatay. Murtidii ahayd “Libaax ninka ganay iyo kan galladey ka la og“ oo wuxuu ku kadsoomay malastii loo daadiyey iyo siriqdii loo qooley wuxuuna cadowgiisa u arkay dadka degan Soomaaliya wuxuuna gacalkiisa u arkay dadka deggan Itoobiya. Duulaankaasi markuu hirgelay, wuxuu billaabay Xabashigu duullaankii labaad.

 

Duulaankii cududda

 

Markii Xabashigu hantiyey deegaanka Soomaali Galbeed 85%  ayuu wuxuu u soo tallaabay dhinaca Jamhuuriyada Soomaaliya, isagoo billaabay inuu  hadba  koox la safto  awood  ciidan, marka  hubkii uu bixinayey keliya maaha ee waa in Xabashigu dagaalka ka qaybgalo. 1996  ayuu la soo saftay mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Cumar Xaaji Masalle, oo dagaalku dhexmaray gobolka Geddo isaga iyo koox diimeedka Al itixaad.

Dad badan oo waxgarad ah ayaa u arkay arrintan inay tahay albaab xun oo nagu furmay kana digey, dhegse looma dhigin. Waxaa ku xigey, mar kale inay  soo galaan Baydhabo iyagoo malleeshiyadii RRA garab siinaya, oo la safan lana dagaallamaya kuwii SNA ee  markaas awood ku qabsaday Baydhabo iyo deegaammado badan oo koonfurta Soomaaliya ah.

Halkaas waxaa ka billowdey in beel weliba hiil u doonato, waxaa kale oo ay saamayn ku yeesheen taageerida iyo hubeynta hoggaamiye kooxeedyadii   guud ahaan geyiga Soomaaliyeed oo dhan.

Duullaanka Caalamiga ah

 

Xabashidu markan waxay u wareegtay inay  qaab  cilmiyeysan  u  layso una gummaado bulshada Soomaaliyeed,  waxay  gabbaad ka soo dhigatay  kooxihii danleyda ahaa ee   dowladdii Imbhagti hoggaaminayey, waxayna la gashay  heshiis sharciyeed ah inay   awood  ciidan ka  taakuleeyaan, sidoo kale iney  Xabashidu ka qayb qaaddato  dib udejinta  dalka Soomaaliya,  waxaa kale oo arrintaas u suurageliyey   koox diimeedyadii  „Wadaadadii waalnaa“ oo garan waayey ineysan sababin  in dalka ay ciidamo shisheeye u gacan  geliyaan,  kuwaasoo ku baaqay  dagaal ka dhan ah  dunida oodhan taasina ay keentay inay  30 kun oo ciidan ah  gudaha u galaan dalka Soomaaliya iyadoo  adduunweynuhuna garab taagan yahay.

Arrintaasi waa tan keentay inay ugu dambayntii ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta  ee  Amisom?!   Tusaale:

„Haddii  aad ka soo baxsato nin kuu  hanjabay oo ku yidhi waan ku dilayaa,  ka dibna  aad magan gasho  koox kale,  balse,  kooxdii kale   kuu xerayso  qol mugdi ah oo ay ku jiraan  dhammaan inta  cadow u ah  dadka,  Bahal iyo cayayaan  oo ku cuni kara“  taasi malagu tilmaami karaan  ammaan sugid iyo badbaadin Maya  ee waa  ka dhammeyn fudud, sida  tan maanta dalkeena haysata.

Duullaanka qaawan ee maanta

 

Waxaan sooyaalkaa hore uga soo sheekeeyey inaad xaqiiqsataan duullaanka  qaawan ee soo noqnoqaya, labadii sanadoodee ugu dambeeyey, waxaa  dagaallo ka dhaceen xad beenaadka gobolka Togdheer gaar ahaan degmada Buuhoodle, waxaana soo weeraray ciidanka Xabashida iyo kuwa  dabaqoodhiga u ah ee LIYUU BOOLIIS, in kastoo dadku is ka caabbiyeen, haddana, waa duullaan qaawan oo aan cidina waxba ka odhan.

Waxaay Xabashidu sidoo kale xasuuqyo kala duwan ka geeysatay, xad beenaadka gobollada Gedo,  Hiiraan, Galguduud, iyadoo weliba  deegaanka Ceelgaabta ee Galguduud  ay soo noqnoqotey.

Soo rogaalcelinta duullaanka maskaxeed.

 

Xabashidu waxay billaabeen farsamo cusub iney maalin qolo deggan gudaha   Soomaali Galbeed iyo dhulka loo yaqaan (Reserve Area) ay duullaan ku qaadaan ciidamada Xabashida iyo kuwa Xabashi kalkaalka Liyuu Booliis laguna dabaqo duullaan beeleed, sidii dhacdooyinka  dhacay  toddobaadkan  deegaamada ku xeeran magaalada Gaashaamo oo lagu gummaaday  dad  maato ah.

Hadda waxaa la gaadhay, maadaama dadkii hore ugu jirey  xerada xabashida  ee   gumeysiga  madoow  dul mawriirey laga dhaadhiciyey in  cadowgooda  koobaad yahay  Soomaalida kale,  hadda waxaa la gaadhay xiligii la barayey kuwa  gudaha Soomaaliya  jooga ama  xad beenaadka degan  ee aan xidhiidhka wanaagsan kala dhaxayn  Soomaalida in iyagana la nacsiiyo,  kuwa degan  Galbeedka si aysan isugu gurman isuna garabsan.

Xabashidu  waxay ku jirtaa siday u beddeli lahayd Khariirada Soomaaliya guud ahaan,  hadda waxaa jira  deegaamo badan oo ay sheegatey burburkii ka dib, taasoo ujeedkeedu yahay inay qalbiga umadda Soomaaliyeed ka tirto  Hawd iyo Soomaali Galbeed oo layska ilaawo, taasoo u madax banneynaysa deegaanka Soomaali galbeed.

Ma jirto wax la yidhaahdo  Dowlad deegaanka Soomaaliya(DDS)Dadka  Soomaaliyeed ee la gumeysto  ayaa jira(DSG)

Kooxihii shalay durbaanka u garaacayey Xabashida ee u dhiibayey  dadka ay rabto, kooxihii shalay hubka ka soo qaadanayey, kooxihii shalay gacan saarka la lahaa, kooxihii shalay la dhacsanaa habdhaqankooda, kooxihii shalay la safnaa dhammaantood, maanta waxaa u muuqda halka ay  u socoto xabashi.

Koonfur, waqooyi, bari iyo galbeed Xabashidu ma ka la jecla, waxaa maanta mareynaa inta maatideena la laayo inaan inagu raalligelin bixinno,  Gumeysiga  madoow  ee Soomaali Galbeed iyo Soomaaliyaba dhibaatada ku haya, maynaan waayin saanad aynu is kag celinno, dhaqaale aynu ku la dagaallanno iyo awood aynu is kaga caabbinno ee waxaa ina saaran heeryo cabsiyeed waxaana noqonney dad nolosha dullinnimada ka jecel dhimashada gobonnimada ah.

Gunnaanad

Xasuuqa Xabashidu wuu soconaya inta aynu inagu ka la qaybsannahay, intey isu aragno cadow inteynu shisheeyaha u ka la dhuumanayno, waxaynuna ku sifoownney halkudheggii ahaa, saddexda Dibi.

Waxaan u sheegayaa kooxaha dhaantada iyo heesaha beenta ah ee  Xabashi kalkaalka run u maleeyoow, daawo muuqaallada dhabta ah ee xabashiga iyo horumarka kooxda Liyuu Booliis iyo horjoogahooda Cabdi Ileey  waa inay  qofkay dilaan rasaastey ku dileenna la bixiyo dhulka meesha lagu aasayona laga iibsado.

Waa in dalkeenna nalagu cashuuro haddaan diidnona xitaa masaajiddada nalagu dhexdilo. Horumarku waa in  kooxda Xabashi kalkaalku cidey doonan dilaan, dhacaan, kufsadaan, boobaan oo xasuuqaan cid ka hadli kartaana aysan jirin.

Waxaan qoraalkayga  ku soo afjarayaa, gabaygii  Abwaan Salaan Carrabeey Eebbe naxariistiisa janno ha ka waraabiyee, wuxuu yidhi:

Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane

Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye

Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye

Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide

.

Cabdiraxii Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment