4602 Views

Axmed Ismaaciil Samatar oo xubin ka noqday xisbiga Kulmiye ee Somaliland

Axmed Ismaaciil Samatar oo xubin ka noqday xisbiga Kulmiye ee Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 14, 2016: Axmed Ismaaciil Samatar oo muddo ka macallin Jaamacadda lagu magacaabo Macalester ee Gobolka Minnesota horeyna ugu tartamay jagada madaxweynenimada Soomaaliya 2012, ayaa sheegay in muddo labo sano ah uu ka fikiraayay xisbiga uu ku biirayo, latashi farabadana uu sameeyay kahor intii uusan ku biirin xisbiga Kulmiye ee ah kan talada Somaliland iminka hayo.

“Dad baan la tashaday dibada iyo gudaha jooga muddo labo sanadood ah ayaan waday la tashigaas kadibna waxaan gartay in  xisbiga kulmiye uu yahay meel aan ku biiri karo.”ayuu yiri Prof. Samatar.

“Waxaan ku heshiinay inaanka qeybgalo talada iyo aragtida xisbiga iyo adkeynta xisbiga uuna noqdo mid u bisil ummada Somaliland oo dhan,”ayuu yiri Axmed Ismaaciil Samatar.

Aqoonyahankan Soomaaliyeed ayaa warkan ka sheegay magaalada Boorama oo ah halka uu ka soo jeedo, hase ahaatee Prof. Samatar ayaanafka ku dhufanin in uu yahay musharax madaxweyne.

Prof.Samatar, ayaa kamid ahaa musharixiinta madaxtinimada dalka Soomaaliya sanadkii 2012, waxana uu ka mid ahaa siyaasiyiinti ka soo jeeday gobolada Waqoyi ee aaminsanaa midnimada dalka Soomaaliya.

Ila hadda lama garanayo waxa loo sheegay Prof. Samatar ee ku qasbay in uu ka mid noqdo siyasiyiinta Waqooyi oo ayago u ololeeyo in Soomaaliya la kala gooyo, taas oo ah fikrad an meesha ka muuqanin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment