4917 Views

Ciidamada AMISOM oo qarax miino lagula eegtay Afgooye

Ciidamada AMISOM oo qarax miino lagula eegtay Afgooye
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 14, 2016: Qarax miino, oo ah nooca meelaha fog laga hago, ayaa maanta lagula eegtay Ciidamada AMISOM ayaga oo maraaya degmada Afgooye.

Sida dadka qaar ay sheegayaan ciidamadan ayaa ka tagay magaalada Muqdisho, waxaana ay marayeen duleeka degmada Afgooye marka ay miinada ku qaraxday.

Waxaa gubtay gaarigii ay miinada la kacday in kastoo qasaaraha soo gaaray AMISOM an la ogayn inta uu la egyahay, balse waxaa la sheegay in ay rasaas badan fureen.

Labo qof oo shacab ah ayaa rasaasta ay fureen ciidanka AMISOM ku geeriyootay saddex kalena way ku dhaawacmeen. Qasaaraha labada dinac soo gaaray weli runteedi lama hayo.

Sida la ogaaday, Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan miinada, waxaana ay sheegeen inay dileen askar ka mid ah kuwa AMISOM kuwo kalena ay dhaawaceen, in kasto cadad ayna sheegin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment