3438 Views

Madaafiic goor dhow ku soo dhacday qeybo ka mid ah Muqdisho

Madaafiic  goor dhow ku soo dhacday qeybo ka mid ah Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 14, 2016: Madaafiic hoobiyeyaal ah, ayaa hadda ku dhacaya meelo magaalada Muqdisho ka mid ah, iyadoo qaar ka mid ah madaafiicdaas ay ku dhaceen agagaarka Taalada Sayidka iyo Dhismaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dad qaar ku sugnaa degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigley ayaa sheegay in dhowr madaafiic ay ku soo dhaceen Xaafadahooda..

Madaafiicdaan oo ku soo beegantay markii la afuray, ayaa laga dareemay bartamaha magaalada Muqdisho iyo xaafadaha qaarkood.

Madaafiicdan caawa ku soo dhacaya qeybo ka mid ah Muqdisho ayaad  mooda in lagu aadiyay  xilli uu Madweeynaha xil ka qaadis ku sameeyay Taliyaha Nabadsugida Jen. C/raxmaan Tuur Yare, iyadoo si KMG ah xilkaas loogu magacaabay Jen. Cabdullahi Gaafow Maxamud.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment