4827 Views

Raashin dhacay oo lagu qabtay garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdisho

Raashin dhacay oo lagu qabtay garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 14, 2016: Jen. C/laahi Xasan Bariise Taliyaha oo ah Hoggaanka ilaalinta Canshuuraha ee Boliiska Soomaaliya, ayaa sheegay in diyaaraddii siday raashinka dhacay ee ay qabteen ciidamada ammaanku ay ku sii jeeday magaalada Garbahaarreey ee Gobolka Gedo.

Jeneraal Bariise, ayaa intaa ku daray inay raashinkan ay lahayd Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, kaasoo ahaa mid ku raagay bakhaarro ku yaalla magaalada Muqdisho.

Raashiinkan ayaa isugu jira 100 shay oo kala ah: galley,masaggo, caano boore iyo saliid ayaa ka mid ahaa gargaar ay Hay’addu horay ugu kaydisay Muqdisho,kaasoo dhaafay waqtigii isticmaalka.

Ciidamada ilaalada ka ah Garoonka diyaaradaha magalaada Muqdisho, ayaa gacanta ku haya mid ka mida shaqaalaha hay’adda WFP, kaasoo ay Boliisku xabsiga u taxaabeen.

Wixi intaas ku soo kordho dib ayan ugu soo qori-doonnaa qaranimo.com

unto-2unto-3unto-4

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment