4152 Views

Sirta ka dambeysa hadal haynta musharraxnimada Jabriil? (Xog muhiima)

Sirta ka dambeysa hadal haynta musharraxnimada Jabriil? (Xog muhiima)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 14, 2016 – Warbaahinta Soomaalida ayaa waxa ay beryahan dambe hadal haysay in Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah guddoomiyaha hay’adda cilmi baarista iyo wada hadalka ee CRD uu yahay shakhsiga loo saadaalinayo in uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkan dhacaysa, in kasta oo aanu Jabriil weli ku dhawaaqin musharraxnimadiisa.

Hadal haynta warbaahinta ayaa waxa ay ku dhex faaftay bulshada, waxana ay sababtay in goobaha lagu gorfeeyo siyaasadda ay hareeyso sheekada ku saabsan musharraxnimada Jabriil iyo suurtagelnimada in uu noqdo madaxweynaha beddelaya mudane Xassan Shiikh Maxamuud.

Arrinta is waydiinta mudan ayaa waxa ay tahay sababta keentay in Jabriil Ibraahim oo aan weli ku dhawaaqin musharraxnimadiisa ay bulshadu isla qaad qaaddo warka sheegaya in uu ku guuleysan doono doorashada, iyada oo weliba la arkayo dad badan oo isugu hambaliyaynaya warkan, isla markaana muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa waxa ay aaminsan yihiin in ay jiraan sababo dhowr ah oo bulshada ku riixaya in ay ku farxaan maqalka magacyada ay wannaagga iyo sumcadda ku barteen ee ka soo dhex muuqanaya liiska musharraxiinta ku tartamaysa doorashada soo socota.

Wxa ay kaloo falanqeeyayaashu rumeysan yihiin in dadka Soomaaliyeed oo niyad jab ka qaaday waxqabad yarida maamuladii hore, ay hadda aad uga fiirsanayaan shakhsiyaadka u hanqal taagaya hoggaanka dalka, waxana laga yaabaa in ay taasi qalqal geliso rajada musharraxiinta illaa iyo hadda shaaca ka qaaday hankooda ku wajahan ka qaybgelka doorashada, kuwaas oo u badan rag horay xilal sar sare uga soo qabtay dalka oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haaya.

Hay’adda CRD ee uu Jabriil mudada dheer maamulayay ayaa waxa ay kaalin muuqata ka qaadatay nabadaynta, dib u dhiska iyo hormarinta bulshada, waxana ay xiriir dhaw la yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada. Sidaas darteed ayay dad badan oo aan la sheekaysanay u sababeynayaan hadal haynta badan iyo u riyaaqidda bulshada ee la xiriirta warka ku saabsan musharraxnimada Jabriil Ibraahim.

Ilo wareed xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in illaa iyo markii ay dalka colaaduhu ka jireen uu Jabriil Ibraahim ku sugnnaa gudaha dalka si uu shacabka ula qaybsado dhibaatada, gacanna uga geysto xal u heliddeeda, isaga oo aan marnaba waqti ku lumin ka mid noqoshada siyaasaddii dalka ee xilligas oo ay bulshadu wax-tar yarida ku dhaliili jirtay.

Guulihii ay isaga iyo hay’addiisu ka soo gaareen arrimaha bulshada, oo lagu daray magaca iyo sumcadda uu shakhsi ahaan ku leeyahay dunida, ayaa waxa ay ilo wareedyadan ku tilmaameen sababaha ay dadku ugu arki karaan aqoonyahankan mid buuxin kara baahida xilligan loo qabo hoggaan samatabixiya dalka iyo dadka.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Soomaaliya oo hadda ka soo kabanaya colaad dhowr iyo labaatan sano qaadatay ayaa waxa uu ka dhigan yahay mid taagan buundada lagu gaari lahaa horumar iyo dowladnimo sal adag, tanina waxa ay dadweynaha ku riixaysaa in ay si gaar ah u xiiseeyaan doorashada soo socota, iyaga oo filanaya hoggaamiye awood u leh in uu geeddiga ka gudbiyo buundada, si uu u gaarsiiyo bartilmaameedkiisa oo ah dib u dhis iyo hormar dowladnimo.

.

.

.

.

Qaranimo Online | Mogadishu

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment