3243 Views

Hay’adda WFP oo sheegtay inay baareyso raashinki dhacay ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Hay’adda WFP oo sheegtay inay baareyso raashinki dhacay ee  lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 15, 2016: Hay’adda WFP ayaa sheegtay in baareeyso raashinka ay ciidamada amaanka garoonka Muqdisho, kaas oo loo waday gobalka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Sarkaalka u qaabilsan xafiiska WFP ee Soomaaliya dhanka xiriirka, Layla Cali, ayaa qadka teleefanka ugu sheegtay SONNA in aysan rumaysnayn WFP in  raashin gaargaar ah oo dhacay uu u yaalo Muqdisho, balse waxa ay intaa raacisay in ay hubnayso WFP haddii badeecadeeda loo kaydiyay si aan wanaagsanayn oo ka dibna ay waxyeelo soo gaartay intii ay sugaysay daabulidda.

“Si wanaagsan ayay uga warhayaan dadka aan caawino in muhiimadeenna koowaad ay tahay xaqiijinta tayada iyo badqabka caawinaadda aan bixino, waxaanna isticmaalaa cabirka ugu sareeya si aan u hubinno arinkaas” ayay SONNA u sheegtay Layla Cali.

Mar aan waydiinay su’aal ahayd, in badeecada lasoo bandhigay ay ku dhagnayd calaamadda WFP, ciidamada amaankuna sheegeen in ay ku waqtiyaysnayd Sanadkii 2015, Sarkaalka WFP waa ay ka gaabsatay ayada oo laga yaabo in u baqday shaqadeeda.

Sawirrada yaabka leh ee laga qaaday badeecadaas ayaa muujinaya in uu badalmay midabka cuntada qaar ka mid ah, Sarkaal Booliska Soomaaliya ka tirsan ayaana sidoo kale u sheegay SONNA in uu arkay saliid ka mid ah waxyaabaha la qabtay taas oo dhacday Sanadkii hore 2015ki.

Ciidamada Amaanku waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan rasmi ah, isla markaana ay xireen mid ka mid ah hawlwadeenada WFP oo fududaynayay dhoofinta badeecadaas oo ku socotay dad baahan oo ku nool gobalka Gedo ee Koofurta Soomaaliya, kuwaas oo dhibaato ka soo gaari lahayd hadii cuntadaas ay isticmaali-lahaayeen.

WFP ayaa caawisa dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ku nool xaalado bani’aadamnimo, balse qaldaad badan ayeey horay uga gashay Soomaaliya.

Sidaas dareed, waxaa haboon in la baaro Ganacsatada soomaaliyeed ee Qandraaska ku haysata qaybinta badeecda WFP ay keento Soomaaliya. Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah sababta WFP ay raashinka iyo badeecada ay u qaybisaa marka ay beeraalayda suuqa gaysaneeyso wixi ay tacbadeen??

Si kastaba ha ahaatee, dhaliisha waxa iska leh WFP iyo Ganacsatada qandaraaska ku haysta, kuwaas oo xariir wanaagsan la leh Hay’addaan.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment