4722 Views

Hungary oo hogaanka u qabatay guruub F iyo Portuqal oo la hakiyay…

Hungary oo hogaanka u qabatay guruub F iyo Portuqal oo la hakiyay…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 15, 2016 – Waxaa Xalay la Ciyaaray kulamada Meertada 1 ee Guruub F Koobka Euro 2016,waxaana kulamadii dhacay ay xulalku isku arkeen sidatan.

Austria  vs Hungary   2-0
Portuqal  vs Iceland   1-1
Xulka Hungary oo hogaanka u Qabtay Guruub F ayaa waxaa 2 Gool u dhaliyay Ciyaaryahanada kala ah A.Szalai iyo Stiebar Daqiiqadihii 63 iyo 87.
Xulka Austria oo kulankaan la legday waxaa ka Qaatay Calaamada Casaanka Ciyaaryahanka lagu magacaabo A.dragovic.waxaana guushaan ay Gaaren Hungary ay ka Saaciday inay hogaanka Guruub F ku qabtaan 3 dhibcood.
portuqal-vs-iceland-2
Kulankii xigay e Guruubka F waxa uu dhexmaray Xulalka Portuqal vs Iceland waxaana Ciyaartaan oo aheyd mid adag ay ku soo gabagabowday 1-1
Goolasha waxaa ku hormaray Portuqal Daqiiqadii 31,waxaana gool qurux badan u dhaliyya Weeraryahankooda 17 Nani iyadoo Goolkaasi    u horseeday Portuqal in qeybtii Hore ee Ciyaarta ooa y gacan sareeyeen ay ku qabtaan hogaanka
Isku soo laabadkii Qeybtii labaad e Ciyaarta Daqiiqadii 50 Iceland waxa ay heleen Goolkii Barbardhaca oo uu u dhaliyay Ciyaaryahan Bikir Bajarnason
Kabtanka Portuqal Cristiano Ronaldo ayaa xalay lumiyay Fursado goolal loo fishay,Xulka Portuqal barbardhaca lagu hakiyay waxa ay ka xanibtay inay Hogaanka Guruubka F la Wadaagaan Hungary oo 3 dhibcood ku horkaceysa
portuqal-vs-iceland-1
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment