3297 Views

Mas’uul saaka Lagu Dilay Degmada Dharkeenley

Mas’uul saaka Lagu Dilay Degmada Dharkeenley
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, June 15, 2016: Koox hubeysan ayaa goor saakay ah, waxay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dileen guddoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka degmadaasi C/laahi Ibraahim.

Ragga dilay G/ku xigeenka, ayaa waday mooto laba lugoodlay ah; gaarigiisa ayay dhinac istaageen, rasaas ayeey ku fureen wana baxsadeen sida la sheegay ama ay caadadu ahaan jirtay.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa saarnaa gaari yar, waxaana la sheegay in raggan oo watay Mooto Laba Lugood ay dhinac kaga yimaadeen gaariga islamarkaana ay rasaas ku fureen.

Isla goobta ayuu ku dhintay Gudoomiye ku xigeenka waxaa ku dhaawacmay sida la sheegay aqof kale oo gaariga la saarnaa.

Ciidamada DFS ayaa goobta gaaray, waxaana ay wadaan howlgallo lagu baarayo dadka dilkaasi ka dambeeyay, iyadoo xaafadda dilkan uu ka dhacay gabi ahaanba loo diiday dhaq dhaqaaq inay sameeyaan dadka shacabka ah. Lama oga ila iyo hadda dadka gudoomiyaha dilay cidda ay ahaayeen.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment