3750 Views

DF Somalia oo la timid shirkad dabagaleysa xawaaladaha lacagaha

DF Somalia oo la timid shirkad dabagaleysa xawaaladaha lacagaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 15, 2016: Warar na soo gaaray, ayaa sheegaya in Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda Federaalka ay la heshiiyeen shirkad cusub oo shisheeye ah oo gacan ka siin doonta kormeerka iyo dabagalka xawaaladaha iyo bankiyada ka diiwaangashan gudaha dalka Soomaaliya.

Shirkaddan oo lagu magacaabo AByrint, ayaa waxaa maaliyadda ka bixinaya bankiga adduunka, waxaana la sheegey in hawsha shirkadani ay qabanayso looga hortagayo in ay dhacdo lacago dibada looga soo diro kooxaha xagjirka ah meel kastaba ha joogaanee.

Bankiga adduunka waxa uu sheegaya in bankiyada caalamiga ah ee xiraya akoonada xawaaladaha ay xal u tahay in la helo nidaam lagula socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha loo dirayo gudaha Soomaaliya.

Horey dawladda waxa ay qandaraasyo ula saxiixdey shirkado shisheeye, kuwaasi oo su;aalo waaweyn laga keeney qaabkii loola galay, tanna uma eko wax la aqbali-doono.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment