4029 Views

Roobab xoogan oo Muqdisho ka da’ay

Roobab xoogan oo Muqdisho ka da’ay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 16, 2016: Roobab aad xooggan oo mahiigaan ah ayaa ka da’aya magaalada Muqdisho, iyadoo roobabkan ay saameyn ku yeesheen isu socodka dadka iyo gaadiidka, oo magaalada xirantay.

Roobabkan oo saacado badan da’ayay ayaa wili socdaan biyo badan ay dhigeen waddooyinka, kaasoo hakiyay isu socodkii magaalada iyo dhaq dhaqaaqii ganacsiga.

Saameynta ugu weyn roobabkan ayaa ku yeeshay ardaydii iskuulada u kalihi jirtay, goobaha shaqada, waxaana dadka intooda badan ay ku hakadeen guryahooda, marki waqtiga uu ku dhamaaday.

Inkastoo aan sheegin wax khasaare ah oo roobabkan ay sababeen, hadana waxaa jira dhibaatooyin uu u geystay dadka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ku yaala magaalada Muqdisho gudaheeda.

Roobabka saaka ayaa sababay in ay baaqdaan diyaaradihii ka soo degi jiray magaalada, waxaana baaqday dhowr duulimaad oo saaka imaan lahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ka mid ah diyaarada Turkish Airways, welina garoonka wuu xiranyahay.

Diyaaradaha imaan lahaa magaalada Muqdisho ayaa u baaqday cimilada oo xun awgeed, waxaana dib u dhac ku yimid diyaaradaha qaadka ee ka imaanayay magaalada Nairobi, kuwaas oo inta balwada qaadka leh ay ku tixanyihiin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment