3435 Views

Jawaari oo gaaray magaalada Baydhabo

Jawaari oo gaaray magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 18, 2016: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo 20-ka bishan uu ka furmi doono shirka Madasha Wada-tashiga qaran.

Guddoomiye Jawaari ayaa horu dhac u ah Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran oo lagu wado in maalmaha soo socda ay tagaan magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha waxaa safarkiisa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Waxaa lagu wadaa in Mas’uuliyiinta Maamul goboleedyada inay tagaan Baydhabo maanta illaa berri, si ay maalinta Isniinta uga qeyb galaan shirka Madasha oo si rasmi ah u furmi doona bisha 20keeda.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar caafimaad ugu maqan dalka Jarmalka ayaa isna lagu wadaa inuu maanta dalka dib ugu soo noqdo.

Isdiyaarin iyo qaban-qaabo xoogan oo ku aadan shirka Madasha wada-tashiga qaran ayaa ka socda magaalada Baydhabo, waxaana ay noqoneysaa markii u horeysay ee Baydhabo lagu qabto shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran, in kasto qaar ka maseyrsan ay tegi doonaan.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment