3552 Views

NUSOJ oo ka soo hor-jeesatay Guddiga Saxaafadda Qaranka

NUSOJ oo ka soo hor-jeesatay Guddiga Saxaafadda Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 18, 2016: War-saxaafadeed ka soo baxay ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, ayaa lagu diiday jiritaanka Guddiga Saxaafadda Qaranka ee wasiirada DF meel mariyeen.

War-saxaafadeed (Press release)

Ka dib markii golahaa wasiirada heer federal ee dalka Soomaaliya ay meel mariyeen15/06/2016-ka, gudi loogu magacdaray gudiga saxaafadda Soomaaliya, isla markaana aan wax wada tashi ah iyo ogeysiin midna aan laga siin ururka saxafiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ, waxaa ay golaha sare iyo fullinta ururka Nusoj yeesheen kulamo iyo xidhiidho ay ku falanqeeyeen saameynta gudigan uu ku yeelan karo howsha saxaafadda madaxa banaan ee soomaaliyeed iyo ujeedooyinka aan faahfaahsanayn ee loo adeegsaday meelmarintiisa, waxaa ay si wada jir ah golayaasha ururku isugu raaceen Qodobadan hoos ku qoran.

1.Ururka Nusoj oo u taagan difaaca xuquuqda saxaadda qaranka Soomaaliyeed wuxuu ka digayaa talaabo kasta iyo qorshe walba oo dawli ah ama madax banaan oo ka hor imaanaya midnimada, Xuquuqda iyo madaxbanaanida guud ee saxaafadda Soomaaliyeed.

2.Ururka NUSOJ wuxuu gabi ahaan qaadacayaa ama uu diidayaa qaab dhismeedka iyo meelmarinta gudigan loogu yeeray magac Saxaafadeed, wuxuuna ku tilmaamayaa shirqool ka dhan ah doorka saxaafadda Madaxa banaan ee arimaha qaranka.

3.Ururka Nusoj wuxuu codsanayaa in la ixtiraamo codka saxaafadda Soomaaliyeed lagana fiirsado sharciyaynta gudi lagu dulminayo howlaha iyo xuquuqda Saxaafadda Madax- banaan.

Gudigan saxaafadeed waa mid ku xusan Somali Media Law ama Sharciga saxaafadda Soomaaliya oo uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya lakiin wali uu ururka Nusoj doonayo in talo bixin iyo wax ka bedel lagu sameeyo, hadaba Nusoj oo xambaarsan fikirka midaysan ee saxaafadda Soomaaliyeed waxaa ay cadeynaysaa in la hareer maray codkii saxaafadda ay ku lahayd dhismaha gudigaas iyo la socodkiisa.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment