3360 Views

Degmada Dhakeenley oo xalay nin lagu dilay

Degmada Dhakeenley oo xalay nin lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 19, 2016: Koox Dabley ah oo  hubeysan ayaa degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, agagaarka xaafadda Mac-macaanka ayaa ku dilay nin la sheegay inuu ahaa shacab oo an cidna wax u dhibin.

Dableydaan, oo ahaa labo nin  ayaa ku hubeysnayd Bistoolado, kuwaas oo toogtay nin ka soo baxay Masjidka Cuthmaan binu Caffaan, halkaas uu ku soo tukaday salaada.

Rag dilka geystay ayaa isla markiiba ka baxsaday goobti dhibka ka dhacay, iyadoo halkaasina aanay ka dhaweyn ciidanka Doeladda, sida dadka degaanka ay sheegeen sida ay dad deegaanka ah noo sheegeen, taas oo u fududaysay in raggii dhibka gaystay ay ka baxsadaan goobta.

Weli lama sheegin sababta loo dilay ninkaan, balse dadka qaar waxay sheegeen in dhawaan uu ka yimid magaalada Muqdisho.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment