3831 Views

Xasan Sheekh Dagaal Buu Nagu Soo Qaaday

Xasan Sheekh Dagaal Buu Nagu Soo Qaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 19, 2016: Injineer Faysal Cali Waraab, Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, uu Somaliland ku qaaday dagaal siyaasadeed cad oo aan gambasho lahayn.

Waxa uu sheegay in  Xasan Sheekh, Somaliland uu la simay maamul goboleedyada dalka ka jira, islamarkaana uu wax qeybsi kala dhigay bedalkii ay ku doodayeen inay dal gaar ah yihiin.

Waxa uu sheegay sidoo kale in Somaliland Labo xubin laga siiyey guddiga adooarashada wuxuuna tilmaamay in taasi ay tahay arrin loo baahanyaha in laga hor tago si deg deg ah.

“Xasan Sheekh dagaal buu nagu soo qaaday, Puntland buu nala simay, hadane guddigii doorashada Labo xubin buu naga siiyey waa arrin u baahan in laga gilgisho” ayuu yiri Waraabe.

Somaliland ayaa mar walbo oo Federaalka wax qeybinayo laga siiyaa xubnaha kusoo aada, inkastoo iyaguna ay sheegaan in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een, lakinse ay qaataan xubnaha qayb ahaan ugu soo aado.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment