3444 Views

Faah faahin ka soo baxaya weerar lagu qaaday Guriga Cali Waran-Cadde

Faah faahin ka soo baxaya weerar lagu qaaday Guriga Cali Waran-Cadde
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 20, 2016: Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar habeen hore lagu qaaday guri uu magaalada Hargeysa ka degenaa Cali Waran-Cadde oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Sida la sheegayo, nin hubeysan iyo ilaalada guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa is weydaarsaday risaas muddo socotay taas an la ogayn in cid wax ku noqotay in kale.

Wararka ka imaanayo Hargeysa, ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ka mid ahaa Ilaalada Wasiirka, isla markaana ay qaraabo hoose ay yihiin.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in ninka hubeysan uu watay qoriga loo yaqaano AK47, isla markaana uu rasaas ku furay guriga uu degenaa Wasiirka, sababtana lama yaqaan.

Ciidamada Booliska iyo ciidanka kale oo sida gaarka ah u tababaran ee RRU ayaa magaalada Hargeysa ka wada howl gallo lagu baadigoobayo ninka hubeysan ee weerarka qaaday, balse ilaa hadda an fara lagu haynin.

Ammaanka Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa la adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah oo Boolis ah la geeyay.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii u horeysay nooceeda oo ka dhacdo Soomaaliland oo guri uu Wasiir degenaa weerar rasaas loo adeegsaday lagu qaado, isla markana ninki arintaas sameeyay an weli la qaban.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment