3924 Views

Faransiiska vs Swizerland oo u soo gudbay lugta 16 Euro 2016

Faransiiska  vs Swizerland oo u soo gudbay lugta 16 Euro 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 20, 2016 – Xulalka Franca vs Swizerland ayaa u soo baxay Lugta 16 ee Koobka Euro 2016 kana socda Cariga dalka Faransiiska ,waxaana 2 xul Ciyaartoodii ugu Dambeysay Guruubka A ay xalay isku mari waayeen 0-0 Barbardhac ah.

Xulka Franca ayaa ku soo baxay Kaalinta 1 ee Guruub A waxaana uu urursaday 7 dhibcood,halka Kaalinta 2 ay ku soo baxeen Xulka Swizerland oo helay 5 Dhibcood,Guruubkaan waxaa ku haray Xulalka Albania iyo Romania oo kala helay 3 Dhibcood iyo 1 Dhibic sida ay u kala horeeyaan,waxaana Albaaniyiintu kulankoodii ugu Dambeeyay Guruub A ay ku sagootiyeen 1-0 Xulka Romania iyagoo Cariirsaday Kaalinta 3 ee Guruubkaan.
Caawa Hadii Alle idmo Kulamo xiiso badan oo ka Tirsan Lugta 3 ee Guruub B ayaa la ciyaari doonaa waxaana Kulamada Dhici doona uguna Dambeeya Guruubkaan ay Xulalku isku arki doonaan sidatan.
Slovakia  vs ENG
Russia vs Wales
kala horeynta Guruub B
ENG                  2 Ciyaar   4 Dhibic
Slovakia            2 Ciyaar   3 Dhibic
Wales              2 Ciyaar    3 Dhibic
Russia             2 Ciyaar    1 Dhibic
Waxaa Guruubkaan Ugu Rajo Wanaagsan Xulka ENG oo u baahan kaliya Barbardhac
.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment