4422 Views

Howsha ay qabaneyso qeybta cusub ee lagu soo kordhiyay Dekada Muqdisho

Howsha ay qabaneyso qeybta cusub ee lagu soo kordhiyay Dekada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 20, 2016: Qeybtani cusub ee Dekadda lagu cordhiyay oo loo yaqaan “Dry Port” oo ku yaalla meel ka wax yar baxsan Dekadda, ayaa loo adeegsan doonaa in la dhigo dhammaan konteenarada laga soo dejiyo Dekadda Muqdisho, halkaasina lagu marsiin doono nidaamka dejinta ee isugu jirta baarista, sugidda iyo canshuuraha badeecadaha kala duwan.

Terminalkan cusub, waxa uu culeyska ka qaadi doona Dekadda Muqdisho, iyadoo la filayo in sidoo kale ay fududaan doonto muddada dejinta badeecadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay waxaa uu u mahad celiyay shirkadda SIMATECH International oo iyadu maalgelisay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

“Siyaasadda dowladda ee dhinaca dhaqaalaha waa mid ku dhisan dhiirigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Mashruucan ay shirkada Simatech ka fulisay Muqdisho waxaa u daliil cad u yahay in aan diyaar u nahay maalgashi dhaqaalaheena lagu kobcinayo. Waxaa qorshaha inoogu jira in aan sameysano xarumo kale oo dekedaha noocaan loo yaqaano “Dry Port’’ si aan ula jaanqaadno kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha dalkeena’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shaaca ka qaaday inuu jiro qorshe lagu ballaarinayo Dekedda magaalada Muqdisho iyo dekedaha kale ee muhiimka ee dalka ku yaalla.

Munaasabaddan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan labada gole ayaa sidoo kale waxaa ka hadley Mohamed Reza Maghami oo ah Guddoomiyaha Shirkadda SIMATECH International.

 ————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment