3912 Views

Booliska Spain oo xiray Jaamac Karaaciin oo ah tababare Soomaaliyeed

Booliska Spain oo xiray Jaamac Karaaciin oo ah tababare Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 21, 2016: Sida wararka nagu soo gaarayaan, Booliska Spain ayaa shalay gelinkii dambe xiray Tababaraha Soomaaliyeed Jaamac Maxamuud Aadan oo loo yaqaano Jaamac Karaaciin, kaasoo tababare u ah Orodyahadanada u dhalatay dalka Itoobiya Genzebe Dibaba oo heysata Orodka 1500 mitir.

Karaaciin iyo tababare kale oo ka soo jeeda dalka Morocco ayaa laga qabtay Hotel ay degenaayeen, iyadoo qolalkooda laga helay nooc ka mid ah daroogada mamnuuca ah ee kordhisa awooda jirka ciyaartoyda.

Xiriirka ciyaaraha fudud ee Adduunka ayaa sheegay in 28 ciyaartoyd laga baaray daroogada kordhisa awooda jirka, waxaana ciyaartoyda ay degenaayeen isla hotelka lagu qabtay.

Booliska ayaa Hotelka ka helay illaa 60-cirbadood oo la isticmaalay, lamana sheegin in dhamaad cirbadahaas laga helay qolka Jaamac Karaaciin iyo tababaraha kale.

Wargeyska the Telegraph ee Britain ka soo baxa ayaa sheegay in orodyahanka Britain ee Asalkiisu Soomaaliga yahay Mo Farah uu iska fogeeeyey inuu haatan wax wada shaqeyn ah la leeyahay tababare Jaamac Karaaciin.

Xariga Jaamac Karaaciin ayaa ku soo beegmaya, iyadoo laba bil ay ka harsan tahay Tartanka ciyaaraha Olimbikada Adduunka ee sanadkan lagu qabanayo magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

Xiriirka Ciyaaraha Fudud ayaa dhowaan ciyaaraha ka joojiyay ciyaartoy dhowr ah oo u dhalatay dalka Ruushka, kuwaasoo lagu helay inay isticmaalayeen daroogada kordhisa awooda jirka ciyaartoyda, taas oo magacooda meel u dhacday.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment