3897 Views

Ahlu-sunna Oo Xabsiga Dhigtay Ugaaska Beesha Cayr

Ahlu-sunna Oo Xabsiga Dhigtay Ugaaska Beesha Cayr
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 22, 2016: War deg deg ah oo na soo gaaray ayaa sheegaya inCiidamada Ahlu-sunna Waljameeca ay goor dhaw  degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku xireen Ugaaska Beesha Cayr Habar-gidir, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.

Ugaaska ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Guriceel, waxaana wararku  sheegayaan in uu kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Lama oga illaa iyo hadda ulajeedkaka dambeeysa xirataanka Ugaaska, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka mid yahay ugaasyada Soomaaliyeed ee soo xuli doono xildhibaannada baarlamaanka Federaalka, taas oo Ahlu-sunna diidantahay.

Ahlau-sunna ayaa dagaal siyaasadeed kula jirta dowladda Federaalka ah iyo sidoo kale maamulka Galmudug, waxaana ay ka taliyaan inta badan Galgaduud, caasimadda oo ah Dhuusa-mareeb ay ayagu haystaan.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment