2910 Views

Mas’uul Ka Tirsan Dowladda Puntland oo la dilay

Mas’uul Ka Tirsan Dowladda Puntland oo la dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 22, 2016: Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa magaalada Gaalkacyo ku dileen AUN isku duwihii wasaaradda qorsheynta dowladda Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug Cabdullaahi Maxamed Faarax, dilkaas oo ka dhacay Xaafadda Garsoor, iyadoo dableydii ka dambeysay ay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa howl gallo ka sameeyay halka uu dilka ka dhacay, balse uma suura gelin inay soo qabteen kooxihii dilka ka dambeeyay, balse waxaa la sheegay in lagu raad joogo.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca waqooyiga Gaalkacyo, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, iyadoo horay waqooyiga Gaalkacyo loogu dilay Guddoomiyihii ururka haweenka Gobolka Mudug,AUN, Dhudi Yuusuf.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment