4200 Views

Harriet Mathews oo ka hadshay cuntada Soomaalida iyo kuwa ay jeceshahay.

Harriet Mathews oo ka hadshay cuntada Soomaalida iyo kuwa ay jeceshahay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 23, 2016: Gabadha ah Safiirka dalka Ingiriiska u fadhida dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaacisay nooca Cuntada Soomaalida ah ee ay jeceshahay inay Cunto islamarkaana ay cunto xilliyada ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho, ama Soomaaliya.

Safiirka dalka Ingiriiska uga masuulka ah dalka Soomaaliya gabadha lagu magacaabo Harriet Mathews ayaa markii ugu horeysay waxay shaacisay raashinka ama Cunto Soomaaliga nooca ay jeceshaya oo ay Cunta, Safiirada oo ka jawaabeysay Su’aal ku saabsaneyd arintaas oo ay weydiisay gabar Soomaali ah ayaa marka hore waxay sheegtay inay Jeceshahay guud ahaan Dhaqanka iyo Cuntada Soomaaliyeed iyadoo sidoo kalena sheegtay inay baratey caadada Soomaaliga ah ee ah inay Bariiska ay ku Cunto Mooska, Sidoo kale ayaa waxay Safiiradu ay sheegtay inay jeceshahay Cunitaanka Qaraha ama Xabxabka iyo sidoo kale Cambuulada caam ahaan.

Ugu dambeyntiina iyadoo Danjire Harriet Mathews ay sheegtay nooca Cuntada Soomaalida ah ee Cunto ayaa waxaa kale oo ay sheegtay inay sidoo kale ay bartey qoyskeeda ku sugan dalka Ingiriiska in Bariiska lagu Cuno Moos ayadoona intaas raacisay inay markii hore ay qoyskeeda la yaabeen oo ay u qaateen inay tahay qof waalan markii ay arkeen arintaas laakiin ay markii dambe ay la qabsadeen.

Raashinka ama Cuntada oo lagu Cuno Mooska oo ah arin ka caadi ah Bulshada Soomaalida dhexdeeda, ayaa arintaas dadka Cadaanku ay ku noqotaa arin la yaab leh marka ay arkaan ayagoo inta badan ay dadka Cadaanku ay si gooni ah oo ka gaar ah Cuntada kale oo kaligiis ah ay u cunaan Mooska, waana dhaqan ay horay u yaqiineen.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment