6333 Views

Taliska Ciidanka Asluubta oo qalabaynaya Xabsiyada

Taliska Ciidanka Asluubta oo qalabaynaya Xabsiyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 24, 2016 – Xabsiga Weyn ee Magaaladda Baydhabo oo hadda ay ku jiraan Maxaabiis fara badan oo ku Xukuman Dambiyo kala duwan, qaarkoodna garsogayaal ah ayaa Nolosha Xabsigaasi tahay mid iska caadi ah, inkastoo ay jiraan daruufo hadane Maxaabiista Noloshooda ma aha mid liidata .

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dadaal dheer ugu jira in is badal weyn lagu sameeyo Nolosha Maxaabiista Xabsiyada Dalka ku xiran iyadoo la Raacayo Oraahdii Aheyd “Xabsiyadeena ma Noqon doonaan kuwa lagu ciqaabo Maxaabiista ee waxa ay Noqon doonaan Xarumo lagu Dhaqan celiyo waxna lagu Barro Maxaabiista “, hadlkaasi ayaa waxaa hore u yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac markii uu la Wareegay Hoggaanka Taliskaasi .

Wajigii koowaad ee Qorshahaasi ayaa Noqday mid isbadal weyn lagu sameeyey Xabsiga dhexe ee Xamar oo markii hore Maxaabiista ku xiran ay ku jireen Xaalad adag, waxaana markii ugu horeysay Xabsigaasi laga hirgaliyey in Maxaabiista ay ku seexdaan Sariiro Casri ah iyo in Qol walbo oo Xabsiga dhexe ka mid ah lagu xiray Qaboojiyaal iyo Talafashino ay kala socdaan Maxaabiista Ciyaaraha iyo Wararka Gudaha iyo Dibadaba waxaana sidoo kale Xabsiga dhexe ee Xamar gudahiisa laga hirgaliyey Warshad Farsamada Gacanta lagu barro Maxaabiista oo soo saareysa Agabka guryaha , Qalab xafiiseedka , Qoryaha Ciidanka Salaanta ay ku qaataan iyo Kuraasta Jaamacadaha.

Sidoo kale Xabsiga weyn ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhawaan socdaal shaqo ku tegey taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Cilmi Waasuge Colow iyo saraakiil kale, waxaana uu halkaasi gaarsiiyay qalab ay ka mid ahaayeen Sariiro iyo Qalab Xafiiseed, iyadoo Qorshaha xiga uu noqon doonno in Talafashino iyo Qaboojiyaal lagu xiro Qolalka uu ka kooban yahay Xabsiga Magaalada Baydhabo.

Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee KM7 ayaa hadda waxaa ka socda oo Heer dhexe ah maraya Dhismo Xabsi ah oo loo dhisayo qaab casri ah waxaana uu yeelan doonnaa Xabsigan Cusub Qolal Casri ah, Goobo wax barasho , Maxakamadaha Xarumo ay ku shaqeeyaan ,Goobo Maxaabiista ay ku ciyaaraan IWM.

taliska-asluubta-7 taliska-asluubta-2 taliska-asluubta-4 taliska-asluubta-1 taliska-asluubta-3 taliska-asluubta-6

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment