4731 Views

Wasiirka Maaliyadda oo ku guulaystay dayactirka xaruntii hore ee Wasaaradu lahayd

Wasiirka Maaliyadda oo ku guulaystay dayactirka xaruntii hore ee Wasaaradu lahayd
____________________________________________________________________________

Muqdisho 23, June, 2016…. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aaden Ibraahim Farkeeti ayaa ku guulaystay dib u dhisidii Wasaaradii hore ee Maaliyadda oo ku taalay xaafada Shangaani,

Dhismaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa maraya heer gaba-gabo ah, waxaan la furayaa bartamaha bisha July. Wasaarada ayaa ka kooban 72 qol iyo dhowr holaal loogu tala galay shirarka.

Sidoo kale, Wasaarada Maaliyadda ayaa casriyeysay nidaamka lagu canshuuro Nootaayooyinka, ilaa iyo iminkana waxaa isticmaala nidaamkaan 53 Nootaayo oo ka howl gala magaalada Muqdisho. Nidaamka cusub ayaa u shaqeeya qaab online ah, waxaana arinkaan sababay kor u kac dhaqaale iyo ka hortaga musuqa maasuqa. Nootaayooyinka ayaa kala iibiya hantida ma guurtada ah iyo tan guurta, waxaana dhamaan lacaga wax lagu kala gato laga qaada canshuur.

Wasaarada ayaa dhanka kale ku guulaysatay hirgalin nidaamka maamulka maaliyadda dalka, kaas oo hada lagu baahiyey maamul goboleedyada, arinkaas oo kor u qaadaysa kalsoonida deeq bixiyayaasha caalamka, waxaa kale oo wasaaradu soo celisay wada shaqayntii ka dhaxaysay Hay’adaha Caalamiga sida IMF, World Bank iyo African Development Bank.

.wasarada-maaliya-5 wasarada-maaliya-9 wasarada-maaliya-1 wasarada-maaliya-8 wasarada-maaliya-6 wasarada-maaliya-2 wasarada-maaliya-7 wasarada-maaliya-4 wasarada-maaliya-3

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment